Dareewal Soomaali Oo Lagu Dilay Ethiopia.

Ha’adda Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka ee CPJ  ayaa ugu baaqday Dowladda Ethiopia baaritaanka Weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen Shaqaale ka tirsan Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency.

Weerarkaasi waxaa lagu dilay Dareewalkii waday Gaariga la weeraray oo la oran jirey Sulaymaan Axmed.

Hay’adda CPJ waxay ku baaqday in Dembiilayaasha la hor keeno Caddaaladda, laguna ciqaabo dilka ay geysteen.

Shaqaalaha Wargeyska The Reporter waxaa la sheegay in bishan July 13-dii lagu weeraray  Degmadda Meiso ee Dowlad-gobaleedka Oromadda ee Bariga Ethiopia, xilli ay shaqaalahaasi ku sii jeedeen Casaimadad dalkaasi ee Ethiopia, si ay Warar uga soo diraan Booqashadii Madaxweynaha Eritrea, Issias Afwerki ku tegay Addis Abeba.

Wargeyska The Reporter waxa uu qoray in ay Dhallinyaro ka soo jeeda Oromadda ay  jid-gooyo u dhigteen gaarigii ay la socdeen, waxayna madaxa iyo dhabarka iyo sinta ka garaaceen Dareewalkii oo ka soo jeeday Qowmiyadda Soomaalida deggan Bariga Ethiopia.

Dareewalka, Allaha U Naxariistee Marxuum Sulaymaan Axmed waxa uu galay Miyir-beel (Koma’), taasi oo sababtay inuu dhaawacaasi u geeriyoodo bishan July 19-dii.

AUN Marxuumka oo 37 jir ah waxa uu Aabe u ahaa 3 carruur, isagoo rajeynayey inuu ilmihii 4-aad dhawaan u dhashaan.

Waxa uu Dareewal u ahaa Wargeyska The Reporter oo hoos taga Hay’adda Warbaahinta Dire Dawe Mass Media Agency in ka badan 5 sanno.

Dhinaca kale, Xiriiriyaha Hay’adda Badbaadinta Suxufiyiinta Caalamka ugu qaabilsan Afrika, Angela Quintal  oo joogta magaalladda Durban ee dalka Koonfurta Afrika  waxay ugu baaqday Xukuumadda Ra’isul-wasaare Abiy Ahmed inay baaraan dhacdadaasi laga argagaxo, isla markaana si dhab ah loo baaro Dembiilayaashii dilay Marxuum Suleymaan Axmed.

Waxayna intaasi ku daray inay Dowladda Ethiopia waajib ku tahay inay Dembiilayaasha soo taagaan Maxkamadda, laguna ciqaabo falka dilka ee ay geysteen.

Dhinaca kale, Wargeyska The Reporter ayaa qoray inay Boliska Degmadda Meiso wadaan Baaritaanka dilkaasi, iyadoo Hay’adda Badbaadinta Suufiyiinta Caalamka ee CPJ sheegeen inay Duqa magaalladda Dirir Daw, Ibrtaahim Osman u direen Farriin Qoraal SMS ah, balse uusan ka soo jawaabin Qoraalkaasi.