Dawladda Hoose Oo Manta furtay tartan Qandaraas lagu dayactiraayo 6 xafiisyo ee Degmo+SAWIRO

Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo ka dhacday Xarunta Aqalka D/Hoose ayaa maanta lagu furay codsiyo ku saabsanaa Qandaraas dayactir ee xafiisyo loogu adeegi doono dadweynaha ku nool ilaa 6 degmo oo kala ah; (Xamarweyne, Shangani, Shibis, Bondhere, Wartanabadda iyo Cabdicasiis).

Munaasabadda ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha G/Benaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow), Ku xigeenka Duqa Magaalada ee dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Xuseen Maxamed Nuur, Guddoomiyaaasha Degmooyinka ka faa’iideysanaya dhismahaan, Wakiilada shirkadaha ku tartamaya qandaraaska iyo qaar ka mid ah Agaasima waaxyada D/Hoose.

Barnaamijkan ayaa u jeedkiisa yahay in lagu daadajiyo adeegyada ay bixiso dawladda hoose sida Shatiyada Ganacsiga, Shahaadooyinka Dhalashada, Fasaxa dhismooyinka iyo qaadista canshuuraha guryaya IWM ee Degmooyinka Gobolka. Waxa uu u sahli doonaa mashruucaani muwaadiniinta in ay si fudud oo dhawaasha leh ay ku helaan adeegyadaasi sidoo kalane ay meesha ka baxaan caqabadihii ka imaan jiray waqtiga iyo hanaanka lagu helo adeegyada dadweyanha.

Duqa Muqdisho Eng. Yarisow oo si rasmi ah u furay munaasabadda ayaa amaanay hanaanka daahfurnaanta iyo xirfadda leh ee uu u soo bilaawday tartanka isagoo hoosta ka xariiqay in Dawladda hoose ay mar walba ka goántahay daadajinta adeegyada loona yeelo tayo dakuna ay si cadaalad leh u wada helaan adeegyadaaasi. Waxa uu carabka ku adkeeyay in Dawladda hoose ay si xoog leh ula dagaalayso dhaqanada xun-xun ee dhanka shaqada sida wax isadaba marinta ka dhalan karta bixinta adeegyada dadweynaha. Waxa uu intaa raaciyay in Dawladda Hoose ay talaab sharciga waafaqsan ka qaadi doonto cid walaba oo ka mid ah shaqaalaha ee ku kacda falal sharciga iyo habraacyada shaqada ka soo horjeeda iyo sidoo kale cid walba oo gacan ku siisa howlahaasi.

Dawladda Hoose ee Muqdisho ayaa u saari doonto guddi gaara ah ee ka shaqeeya howsha qiimaynta iyo goáan ka gaarista qandaraaslaha ku guuleesta tartankaani sida ay cadeeysay D/Hoose iyadoo lagu soo gababgabayn doono ilaa dhamaadka usbuucaani taasoo ku aadan 6 da April, 2018.

SHARE

Facebook
Twitter