Deegaano Ka Tirsan Gobolka Togdheer Oo laga Soo Sheegayo Xiisado Dagaal

Xiisad dagaal ayaa ka taagan deegaanno ka tirsan Gobolka Togdheer halkaas oo ay ka dhaceen dagaallo salka ku haaya aanooyin qabiil.

Wararka ka imaanaya Degmada Buuhoodle ayaa sheegaya in xiisaddani dagaal ay u dhaxeyso malleeshiyaad ka soo kala jeeda Laba beel.

Dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay, ugu yaraan Saddex ruux inay ku dhimatay dagaal beeleedkani kaasi oo ka socda deegaannada Horufadhi iyo Gocondhaale oo u dhexeeya magaaloyinka Buuhoodle iyo Caynaba ee waqooyiga Soomaaliya

Dagaalka oo salka ku haya khilaaf ka dhashay deegaanno lagu muransan yahay ayaa la soo sheegayaa in uu ka dhex billowday maleeshiyaad abaabulan oo reer miyi ah, iyadoo xiisadda dagaalka Todobaadkani laga dareemayay deegaannadaasi.

Waxgaradka Buuhoodle ee Gobolka Togdheer ayaa ku hawlan sidii loo damin lahaa xiisaddan ka soo cusboonatay Gobolka Togdheer.