Deeq raashiin ah Oo lagaarsiisay dadka ku go’doonsan magaalada Idlib

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay magaalada Idlib ee dhacda Waqooyi galbeed ee dalka Suuriya u dirtay shalay oo Khamiis ahayd 30 gaadiidka xamuulka ah oo sida deeq gar-gaar bini-aaddannimo ah.

Gar-gaarkan oo gaaraya 600 Ton ayaa dhawaan laga qaybin doonaa magaalada Idlib iyo degaannada ku hareereysan.

Idlib oo ku dhowaad Saddex Milyan oo Suuriyaan ahi ay Hooy u ahayd ayaa lagu soo warramayaa in intooda badani ay ka qaxeen, markii ay u adkaysan waayeen weerarrada kaga imanaya Ciidamada Dowladda oo ay kaabayaan kuwa Ruushka.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Racep Tayyip Erdogan iyo dhiggiisa Ruushka Vladimir Putin, ayaa isku raacay in aag dagaalka ka caaggan laga sameeyo magaalada Idlib, markii ay ku kulmeen dalka Ruushka, iyagoo sidoo kale ku heshiisay in qorshe nabadeed loo sameeyo magaaladaasi, si dadka halkaasi ku haray loo gaarsiiyo gar-gaarka bini-aaddannimo.