DEG DEG :Aqalka Sare oo kala diray Guddigii ay u xilsaareen xalinta Khilaafaadka Golaha Shacabka

Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Senator Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan iyo Senator Maxamuud Axmed Maxamuud (Mshruuc) oo xubno ka ahaa Gudiga Aqalka Sare u xilsaaray xalinta khilaafka soo kala dhexgalay Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay iska casileen guddigaasi.

Senataradan ayaa sheegay is casilaadooda in ay u gudbiyeen Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi C/laahi, oo sidoo kalena ah Guddoomiyaha Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, uuna ka aqbalay.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa maanta guddiga joogtada waxa uu kaga hor dhawaaqay in ay istaagtay oo ay dhamaatay shaqadii Guddiga Aqalka Sare ee xal u raadinta khilaafka Golaha Shacabka, sidaasina lagu kala diray Guddiga joogtada ah.

“Waxaan ummada Soomaaliyeed la wadaageynaa in aan maanta Guddiga joogtada Aqalka Sare aan u gudbinay is casilaad rasmi ah oo ku aadaneyd xubinimadii aanu ka aheyn Guddiga Aqalka Sare u xil saaray xalinta khilaafka soo kale dhexgalay Golaha Shacabka, waxaan u mahadcelineynaa Guddoomiye Cabdin Xaashi oo codsigeena naga aqbalay.” Ayay ku yiraahdeen war qoraal ah oo ay soo saareen xubnahan.

Guddiga Aqalka Sare ee horey loogu xilsaaray xalinta khilaafaadka Golaha Shacabka ayaa waxa ay tiro ahaan gaarayeen ilaa 7 xubnood, kuwaasi oo kala ahaa Cabdi Xaashi C/laahi –(Guddoomiye), Mowliid Xuseen Ducaale –(Xubin), Zamzam Ibraahim Cali –(Xubin), Cabdi Xasan Cawaale Qaydiid -(Xubin), Maxamuud Axmed Mashruuc –(Xubin), Maxamed Amiin Sheekh Cismaan –(Xubin) iyo Muxyadiin Sh. Cali Jaamac –(Xubin).

Khilaafka Golaha Shacabka ee ka dhashay Mooshinka Guddoomiye (Jawaari) ayaa u muuqda mid hada gaaray heer aad u kacsan, iyada oo marba marka ka dambeysa ay soo baxayaan go’aano sii hurinaya Mooshinka.