DEG DEG: Dagaal Beeleed Culus Oo Ka Socda Xadka Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu haatan ka socdo xadka ay wadaagaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan oo ka socda deegaanka Iji ayaa la sheegay inuu u dhaxeeyo laba maleeshiyo beeleed, kaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Maleeshiyo beeleedkan oo kasoo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa isku haya muran dhul beereed halkaasi ku yaalla, oo u dhaxeeya labada beelood oo kala ah Xawaadle iyo Abgaal.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in dhinacyada ay dagaalkan isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, uuna dagaalku haatan socdo ku dhawaad hal saac, uuna sii xoogeysanayo.

Sidoo kale waxay wararka sheegayaan in gurmadyo kala gaarayaan labada dhinac, taasi oo arrinta uga sii dari karta, dagaalkana ka dhigi karta mid sii ballaarta.