DEG DEG: Dagaal kasocoda degaanka tukaraq ee gobolka sool

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Somaliland iyo Puntland ayaa saakay dib uga qarxay degaanka Tukaraq oo colaadiisa ay soo laa laabatay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland ayaa warkan xaqiijiyay, wuxuuna sheegay in laba jiho ay Ciidanka Puntland ka soo weerareen kuwa Somaliland.

Dhanka maamulka Puntland saraakiil amni oo u hadashay ayaa waxay xaqiijiyeen in dagaalka uu jiro, balse hada aanay faah faahin ka bixin Karin.

 Dhinacyada ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kala duwan, waxaana dagaalka uu yahay mid culus oo socda wax ka badan saacad, sida ay soo sheegayaan dadka degaanka.

Xaaladan kacsan ee saaka lagu soo waramayo inay ka taagan tahay degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ah mid walaac cusub abuureysa, maadaama dhinacyada halkaasi isku haya dhawr mar baaq nabadeed loo diray.

Waxgaradka gobolka Sool ayaa ku guul darreystay iney Labada dhinac xabad joojin ku qanciyaan, sababtoo ah dhan walbo wuxuu sheeganayaa lahaanshiyaha degaanka Tukaraq.

Degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa waxaa gacanta ku haaya ciidamada Somaliland oo goor hore ka qabsaday ciidankii Puntland ee halkaasi ku sugnaa.