DEG DEG: Dhawaqa rasaas xoogan oo laga maqlay nawaaxiga Masaajidka Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho-GNNFM– Dhawaqa rasaas xoogan ayaa marqura laga maqlayaa nawaaxiga Masaajidka weyn ee Isbaheysiga ee Magaalada Muqdisho iyo agagaarka Xerada Dhagaxtuur oo ay degan yihiin ciidamo.

Si cad looma oga in la weeraray Xerada Dhagaxtuur, laakiin dhawaqa rasaasta waa meesha ay ka dhaceyso nawaaxigeeda.

Xerada Dhagaxtuur ayaa waxa ay ku taalla ka soo horjeedka Xarunta Golaha Shacabka, waxaana ay saaran tahay laamiga dheer ee horumara Irida Madaxtooyadda.

Dadka reer Muqdisho ayaa la fajacsan dhawaqa rasaasta Magaalada ka dhaceysa.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo isugu jira, Boolis, Nabad Suggid iyo Militari ayaa la arkayaa oo u sii socda nawaaxiga goobta rasaasta ay ka dhaceyso.