DEG DEG :>Dil Kadhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya Xaafada Kaawa Godey ee gobalka Banaadir ayaa sheegaya in halkaasi goordhow uu ka dhacay dil la sheegay in uu gaystay qof hubaysan

Dad goobjoogayaal ah oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dilkaas uu dhacay loona geystay qof rayid ah laakiin anay sheegi Karin sababta ka dambaysay goobtana ay soo gaareen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda fedraalka Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga oo aan la xiriirnay ayaa iyana waxa ay dhankooda sheegeen in ay wadaan baaritaano ku aadan dilkaas,isla markaana dib ay uga faah faahin doonaan.