DEG DEG :>Gudoomiyihii Dhalinyarada Warta-Nabadda Oo Caawa lagu dilay Magaalad Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa Goordhow waxa ay qeybo ka mid ah degmada Wartanabada ee Gobolkan Banaadir ku dileyn guddoomiyihii  Ururka Dhalinyarada degmadaas oo lagu Magacaabi jiray Cabduweli Axmed Maxamed.

Dilka guddoomiyaha ayaa waxa uu ka dhacay Ka soo horjeedka Masjidka  Cabdala iyo Cowreele,waxaana la sheegay in Ragga dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.

Masuuliyiin ay horkaceysay guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Xaabsey ayaa waxa ay gaareen goobta uu dilka ka dhacay,iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka Marxuumka.

Dilalka qorsheysan ayaa tan iyo markii ay curatay Bisha barakeysan ee Ramadaan waxa ay Magalada Muqdisho ka noqdeen kuwo joogta ah oo habeen iyo maalin ka dhacay Gobolkan Banaadir.