Deg Deg: Nabadoon Axmed Diiriye oo geeriyooday

WAR Deg Deg ah oo xiligan oo Saq dhexe ah kusoo dhacay Warqabadka Radio Galgaduud ayaa xaqiijiyay inuu geeriyooday Afhayenkii Odayaasha dhaqanka Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali.

Nabadoonka  ayaa goordhow ku geeriyooday isbitalka Digfeer ee magaalada Muqdisho sida ay inoo xaqiijiyeen qaraabadiisa.

Wararka ayaa sheegaya inuu Nabadoonku u geeriyooday xanuun hayay maalmihii lasoo dhaafay oo uu isbitaal la jiifay.

Axmed Diiriye Cali ayaa kamid ahaa odayaasha dhaqanka kuwooda loogu yaqaanay gudaha Soomaaliya.