DEG DEG: Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Mandheera Kenya.

Wararka naga soo gaaraya degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in uu qarax xooggan ka dhacay halkaasi.

Wararka hordhaca ah ee kasoo baxaya qaraxa ayaa sheegaya in uu ka dhacay bartamaha magaalada, si gaar ahna hotel yar oo ku dhow saldhiga booliska degmada.

Qaraxan ayaa lasoo warinayaa in uu ka dhashay khasaare kala duwan, islamarkaana ay dad ku dhinteen, inkasta oo weli si rasmi ah loo xaqiijin inta uu le’eg yahay khasaaraha