DEG DEG: Qarax Caawa ka dhacay Magalada Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa wax ay sheegayaan in maqribnimadii caawa uu qarax xoogan ka dhacay meel ku dhow Isgoyska Danwadaagta ee degmadaasi.

Dadka degaanka qaarkood oo la hadlay Radiogalgaduud  ayaa waxa ay sheegeen jugta qaraxa inuu ahaa mid xoogan, oo ay aad uga naxeen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qaraxan, wararka qaar waxa ay sheegayaan qaraxan inuu ahaa mid Ismiidaamin ah, halka warar kalena ay tilmaamayaan in qaraxan loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Warar Idaacadda radiogalgaduud ay heshay ayaa waxa ay sheegayaan qaraxan in lala beegsaday fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin halkaasi, qaraxa kadib rasaas fara badan ayaa laga maqlay aaggaasi.

Gaadiidka gargaarka deg dega ah  iyo Ciidamada ammaanka ayaa ku sii qulqulaya goobta uu qaraxa ka dhacay, si ddka ay waxyeelada soo gaartay ugu gurmadaan.