Deg Deg: Reysal Wasaaraha Itoobiya, Desalegn, oo Is Casilay

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaa ku warrantay in uu xilki Reysal wasaarannimo iska casiley Haiemariam Desalegn. Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.

Warkan ayaa waxa baahiyay TV-ga dowladda maamusha ee EBC TV.

Ma cadda sababta ka dambeysa is casilaaddan deg degga ah.