Deg Deg: Xukuumadda Somaliya oo hakisay Duulimaadyadda gudaha.

War kasoo baxay Wasaaradda duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dhammaan la joojiyay duulimaadyadda Gudaha dalka marka laga reebo diyaaradaha Sidda Daawooyinka iyo Raashinka.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay sii socon doonta Xayiraadda duulimaadyada dibadda ah ilaa mar dambe.

Joojinta duulimaadyadda Gudaha ayaa bilaaban doonta maalinta berri ah.

Waxaa sidoo kale lagu amray Shaqaallaha diyaaraddaha in ay qaataan amarka dowladda dhexe ee Soomaaliya, islamarkaana dhammaan ay joojiyaan duulimaadyadda Gudaha.