DEG DEG:>Gaari Uu Leeyahay Madaxweyne Ku Xigeenka Hir-Shabeelle Oo La Rasaaseeyey Iyo Khasaaro Ka Dhashay

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa israsaaseyn ay ka dhacay meel u dhow Xarunta Madaxtooyada Hir-Shabeelle ee Magaalada jowhar israsaaseyntaas oo geysatay khasaaro isugu jira dhimasho  iyo dhaawac.

Dad goobjoogayaal ah ayaa ayaa warbaahinta waxa ay u sheegeen in Gaari uu leeyahay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe ay rasaaseeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo Xarun ku leh agagaarka Hoyga Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle.

Ilaa iyo hadda israsaaseyntaas ayaa Wariye yaasha  kusugan magaalad jowhar waxa uu ku soo waramayaan in uu ku geeriyooday hal Askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen,iyada oo mudo daqiiqado ah ay hakad galeen isu socodka Ganacsiga iyo Dadweynaha intaba.

Ciidamada israsaaseyey ayaa ka kala ammar qaata Sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga kaas oo Magaciisa lagu soo koobay Xuubeey iyo Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen,weli dagaalkaas kama hadlin madaxda ugu sareysa Maamulka Hir-Shabeelle.

Nalasocda  wixii soo kordha