DEG DEG:Guddoomiye Jawaari oo is casilay

Guddoomiyaha Baarlamaanka Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa is casilay, sida ay Idaacadda Galgaduud u xaqiijiyeen Wsiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka.

Warqad uu soo qoray Gudoomiye Jawaari ayaa waxaa Golaha kahor aqriyay Guddoomiye kuxigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka C/wali Ibraahim Muudey, taasi oo ku aadaneyd inuu is casilay Prof. Jawaari.

Sidoo kale warqada waxaa lagu sheegay iyada oo Guddoomiye Jawaari u turay xaalada dalka inuu tanaasulay, Arabacadana uu khudbad ka hor jeedin doono Xildhibaanada Golaha Shacabka, si uu uga hadlo is casilaadiisa.

Warkan sidoo kale waxaa xaqiijiyay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil, Xildhibaan C/rashiid Daahir Gaboobe, Xildhibaan Ludfi Shariif iyo Xildhibaan Aadam Isaaq oo ka mid ah Golaha shacabka Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka Somaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa bartiisa xiriirka Bulshada ku soo qoray in Gudoomiye Jawaari uu iscasilay, sidaasi awgeedna uu ku buray Mooshinkii Gudoomiyaha laga soo gudbiyay.