DEG DEG;>Qarax caawa ka dhacay Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn isgoyska Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in caawa fiidkii halkaasi uu ka dhacay qarax si weyn looga maqlay qeybo ka tirsan Muqdisho.

Aagga uu qaraxa ka dhacay oo aheyd meel mashquul badan, maadaama ay ku yaallaan goobo ganacsi ayaa daqiiqado gudahood lagu kala cararay.

Qaraxan warar kala duwan ayaa ka soo baxaya, wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan inuu qarxay gaari yiilay meel ku dhaw Isbitaalka Kalkaal, halka warar kalena ay sheegayaan in qarax lagu weeraray gaari marayay wadada.

Ciidan ka tirsan dowladda federaalka ayaa Baro ciidan ku leh goobo u dhaw meesha uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo qaraxa kadib riday rasaas fara badan oo dadka ay ku kala eryanayeen.

Dad goobjoogayaal ah ayaaWARBAAHINTA  u sheegay in ay arkeen dhimashada Hal ruux iyo dhaawaca dhawr qof, kuwaasi oo la geeyay goobaha caafimaadka, si loo dabiibo dhaawacooda.

Maamulka degmada Hodan ee gobolka Banadir iyo Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka ayaa tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna wadaan baaritaanada la xiriira sida ay wax u dhaceen.

Maanta oo ugu dambeysay gaari qarax lagu xiray ayaa ku qarxay  isgoyska Siinaay, dhaawaca Saddex qof ayaa ka dhashay qaraxaasi, waxaa muuqata inay kordheyso amni darada ka taagan magaalada Muqdisho.