Degmada Gerijir oo lagu qabtay shir muhiim ah.

uddoomiyaha degmada Gerijir ee gobolka Hiiraan, Mudane Sakariye Cabdi Faraah, ayaa magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaga qeyb galay shir looga hadlayay dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta iyo horumarinta degmooyinka gobolka Hiiraan. Shirka ayaa ka furmay Beledweyne.
Shirka waxaa ka soo qeyb galay dhammaan mas’uuliyiinta degmooyinka gobolka Hiiraan, waxaana shir guddoominayay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Salaad Weheliye.
Guddoomiyaha degmada Gerijiir, Mudane Sakariye Cabdi Faraah, oo khudbad ka jeediyay shirka, ayaa mas’uuliyiinta ka soo qeybgashay uga warbixiyay horumarka ballaaran ee ay ku tallaabsatay degmada Gerijiir. Wuxuu si gaar ah u tilmaamay dhinacyada amniga, dhaqaalaha, nabadda, iyo horumarka guud ee muhiimka u ah nolosha bulshada degmada.