Waxaa maanta Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee dowlad Goboleedka Galmudug lagu qabtay kulan wacyigalin ah oo loo qabtay caruurta qabta baahiyaha maqalka kuwaa oo maamulka Degmadu kasoo saaray xaafadaha ay kunoolyihiin si loogu abuuro fursad waxbarasho.
Munaasabad kooban oo lagu qabtay xarunta maamulka Degmada ayna kasoo qayb galeen waalidiinta cauurta dhagoolayaasha ah dhalay ayaa,hoggaanka dadka baahiyaha gaarka ah qabta,agaasime waxeed ka dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee wasaarada waxbarashada Galmudug iyo xoghayaha Degmada Guriceel ayaa bulshada Guriceel lagu wargaliyay in caruurta baahiyaha gaarka ah qabta gaar ahaan baahiyaha maqalka in ladiiwaan galiyo si dhawaan loogu furo School ay waxkubartaan si lamida caruurta kale.
Ugu horayn kulanka waxaa kahadlay agaasimaha waaxda dadka baahiyaha Gaarkaa Qaba ee Wasaarada Waxbarashada Galmudug
Intaa kadib waxaa kulanka kahadlay waalidiinta qarkamida waalidiinta dhalay caruurta baahiyaha maqalka qabta iyo hoggaanka dadka baahiyaha gaarka ah qaba kuwaa oo soo dhaweeyay in caruurtooda loo helo goobo ay waxkubartaan.
Ugu dambayn Xoghayaha Degmada Guriceel mudane Bashir Mohamed Salad “Sanka”oo kulanka kahadlay ayaa sheegay in qorshahaan hirgalintiisa ay iska kaashanayaan wasaarada waxbarashada kadegmo ahaan,caruurta baahiyaha maqalka qabtana laga soo diiwaan galiyo xafiiska arimaha bulshada degmada si loogu abuuro fursad waxbarsho oo lamida mida ay haystaan caruurta kale.