Degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo maanta lagu soo dhaweyay Suldaan Cabdi Daahir Maxamuud Sabriye iyo wafdi uu hugaaminayo

Waxaa maanta degmada Guriceel ee gobolka Galguduud lagu soo dhaweyay Suldaan Cabdi Daahir Maxamuud Sabriye iyo wafdi uu hugaaminayo oo ka yimid magaalada Muqdisho.
Soo dhaweynta Suldaanka waxaa ka qeyb galay maamulka degmada, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada iyo dhalinyaro.
Markii uu ka soo degay Suldaan Cabdi Daahir garoonka diyaaradaha magaalada Guriceel wuxuu halkaas ugu mahadceliyay dadkii iskugu soo baxay soo dhaweyntiisa.
Qaar ka mid ah dadkii soo dhaweynta kasoo qeyb galay ayaa sheegay in ay farxad weyn u tahay in ay kasoo qeyb galaan soo dhaweynta Suldaan Cabdi Daahir Maxamuud Sabriye.
Waxaa qorshuhu yahay in Suldaan Cabdi Daahir Maxamuud Sabriye oo ah suldaanka beesha Eybakar Xasan Habaraji, Cayr lagu caleemo saaro degmada Guriceel maalinta khamiista taariikhdu tahay 22-01-2026