Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa maanta wajahaysa xaalad amni oo aad u kacsan, kaddib dagaal xooggan oo halkaas ku dhex maray Maamulka Degmada Jalalaqsi iyo mid ka mid ah beelaha degan degmadaasi. Dagaalka ayaa billowday saacadihii hore ee maanta, waxaana sababay khilaaf la xiriira arrimo maamul iyo amni, sida ay sheegayaan ilo wareedyo deegaanka ah.
Ugu yaraan 3 qof ayaa ku dhintay iska hor-imaadka, halka dhaawacyo badan ay soo gaareen dad rayid ah iyo dhinacyadii dagaallamay. Dhaawacyada ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka ee degmada, iyadoo xaaladda qaar ka mid ah dadka dhaawacmay lagu sheegay mid culus.
Xaaladda guud ee amniga degmada ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos-goos ah, taas oo keentay cabsi iyo barakac ku yimid qaar ka mid ah shacabka ku nool xaafadaha ay colaaddu ka socoto. Ganacsiyo badan ayaa xirmay, halka isku socodkii dadka iyo gaadiidka uu istaagay.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka degmada, odayaal dhaqameed iyo waxgarad ayaa wada dadaallo degdeg ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo colaadda, laguna dhex dhexaadiyo dhinacyada dagaallamaya, si loo gaaro xabbad-joojin iyo xal nabadeed.
Ma jirto illaa iyo hadda war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka ama dowladda federaalka oo ku saabsan dagaalkan, balse xaaladda ayaa weli si dhow loola socdaa, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah.