Dekadda Magaalada Muqdisho oo lagu qabtay Waxyaabaha Manka Dooriya

Wararka naga soo gaaraya dekedda Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka dowladda ee ku sugan Dakadda  Muqdisho, ay gacanta  ku dhigeen Kunteenar ay ka buuxaan Qamri.

Ciidamada ayaa qabtay Qamriga  kadib markii Baaris lagu sameeyay Kunteenarkaasi laga shakiyay.

Saraakiisha ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida ee ka hawlgala Dakadda Muqdisho, ayaa amray in Khamrigaan aanan laga bixin Karin Dakadda, waxaana lagu wadaa in Saxaafadda loo soo bandhigo.

Ciidamada Ammaanka ee ka howlgalla Dekedda ayaa bilihii lasoo dhaafay si weyn u adkeeyay Ammaanka Dekedda Muqdisho, waxaana ay baaris ku sameeyaan Waxyaabaha kasoo degaya.

Dhawaan ayay aheyd Markii Dekedda Muqdisho ciidamada Booliska ay kusoo bandhigeen raashin dhacay oo la doonaayay in laga soo saaro Dekedda.