Dekadda Muqdisho oo wax shaqo ah aysan ka socon

Waxaa weli xiran shaqadii Dakadda Magaalada Muqdisho maalintii Sagaalaad, iyadoo amuurtaasi ay sabab u tahay koror xooggan oo Canshuur ah oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyadda Somaliya, iyadoo ganacsatada ay ka biyo diidan yihiin qiimaha canshurta lagu kordhiyay.

Agabyadii kala duwanaa ee Dakadda laga soo dajin jiray, ayaa waxa ay ku xaniban yihiin dalka Isu taga Imaaraadka Carabta, maadaama ganacsatada ay diideen inay bixiyaan qarashka faraha badan ee Wasaaradda Maaliyadda ay ku soo rogtay.

Qaar ka mid ah ganacsatada Dakadda Muqdisho agabka kala duwan kala soo daga ayaa waxa ay sheegeen in Kartoonka Bagaashka ah lagu canshuuro Dakadda lacag dhan $16.5, lacagtaasina ay tahay mid aad u badan oo ganacsatada aysan ka bixi Karin.

Ganacsatada ayaa waxa ay sheegeen Dakadda Magaalada Boosaaso Kartoonka Bagaashka in lagu canshuuro lacag dhan 0.8 oo ka yar hal doolar, waxaana muuqata farqi wayn oo u dhaxeeya lacagta Canshurta dakadda Muqdisho iyo Dakadda Boosaaso.

Dowladda Somaliya ayaa ku fashilantay kordhinta canshuurtaan ay Dakadda ku soo rogtay, waxayna illaa hadda maaro u la’dahay sida ay ku socod siin karto canshuurta, maadaama ganacsatada ay diideen.

Rugta Ganacsatada Somaliyed ayaa waxa ay wadaa dadaalo ku aadan sidii loo xalin lahaa dhibaatada ka dhex taagan ganacsatada Somaliyed iyo Dowladda, waxaana masuuliyiinta Rugta ganacsiga kulamo kala duwan ay la qaateen madaxda dowladda.

Shalay oo ugu dambeysay Muqdisho waxaa ka dhacay kulankii 11-aad oo ay isugu yimaadeen dowladda Federalka Somaliya iyo Ganacsatada, Masuuliyiinta dowladda ayaa madasha ka sheegay in dowladda uu saaran yahay culeys dhaqaale oo mushaarka ciidanka iyo Shaqaalaha rayidka ay bixiso, sidaasi awgeedna lama huraan ay noqotay in la kordhiyo canshuurta Dakadda Muqdisho.

Ganacsatada ayaa u sheegay madaxda dowladda haddii culeys dhaqaale uu haysto dowladda Somaliya, taasi macnaheeda uusan aheyn in culeys la saaro ganacsatada Somaliyed oo duruufo kala duwan ku shaqeeya, nidaamka canshuurta dalkana bixiya, balse iska diiday kaliya kordhinta faraha badan ee canshuurta hal mar lagu sameeyay.

Ganacsatada Somaliyed ayaa waxa ay sheegeen inaysan u dulqaadaneyn in qarash fara badan la saarto, iyadoo laga duulaayo culeys dhaqaale oo dowladda Somaliya soo wajahay.

Rugta Ganacsiga Somaliyed ayaa waxa ay wadaa dadaalada kala duwan oo ku aadan Isfahan dhexmara dowladda Somaliya iyo Ganacsatada, iyadoo dareensan Rugta culeyska xooggan ee la saaray ganacsatada Somaliyed.