Deni oo Guddoonka Golaha Wakiilada lakulmay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan kula qaatay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal Xubnaha Golihiisa Wasiirada, isaga oo kala hadlay Arrimo dhowr ah.

Madaxweyne Deni iyo Gudoonka Golaha Wakiilada ayaa kulankooda waxaa uu ahaa mid is xogwareysi iyo la tashi ah, isla markaana ay ku falan qeeyeen Arrimaha kajira degaannada Puntland iyo Guud ahaan Soomaaliya.

Afhayeenka Warfaafinta Puntland Jaamac Dabaraani ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsana wadatashi laga yeeshay xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka 2020/21 iyo aragtida Puntland.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Guddoonka golaha Wakiilada waxaa uu la wadagay aragtida uu ka qabo tallaabooyinkii ugu dambeeyay oo ay qaaday Dowladda Federaalka Soomalaiya, isaga o dhinaca kale ugu baaqay inay doorkooda qaataan xaalada siyaasaadeed ee dalka.

Kulanka Madaxweynaha Puntland iyo Guddoonka Golaha Wakiilada ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Puntland Axmed Karaash iyo qaar kamid ah Xildhibaanada Maamulkaas