DENI oo Ka Hadlay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka Ee uu ka Maqnaa..

Madaxweynaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta ka hadlay munaasabad ka dhacday magaaada Garoowe ayaa ka horyimid qodobadii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaran ee kusoo dhamaaday Muqdisho.

Saciid Deni oo si cad uga horyimid war-murtiyeedka shirkaas ayaa sheegay in aanu quseyn Puntland, isla markaana aysan qayb ka ahayn golaha wadatashiga qaran.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxda dowladda federaalka ay ka shaqeynayaan kala go’ taas oo uu sheegay inay saameyn ku yeelan karto midnimada dalka.

Hadalkan wuxuu maanta  Saciid Deni ka sheegay shirka jiheynta xukuumadda Puntland oo ka furmay magaalada Garoowe, kaas oo socon doono saddexda cisho ee soo socota.

Sidoo kale golaha ayaa wuxuu isku raacay in la dardar-geliyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horay loo galay, ayada oo goluhu uu ku dhiiri-galiyay baarlamaanka inay dardar-geliyaan ansixinta cutubyada harsan ee dastuurka iyadoo la tix-gelinayo heshiisyadii golaha wadatashiga qaran ee kaabayay dhameystirka dastuurka.