Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo shalay dib-loogu doortay xilka Madaxweynaha Puntland 2024-2029, ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan Qado Sharaf ah ugu sameeyay Musharixiintii u tartamay xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.
Kulankaan oo ahaa khado sharaf ayaa badi waxaa ka soo qeyb galeen musharaxiinta la tartantay Saciid Deni, kuwaas oo ay ku jiraan Wasiirradii hore ee arrimaha dibadda ee Huruuse iyo Cawad, sidoo kale kulanka waxaa goobjoog ka ahaa musharaxii uu ka guuleystay doorashadii 2019 Asad Diyaano.
Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in magaalada Garoowe ay ka dhacdo xaflad lagu caleemo saaraya Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo ah madaxweynaha kaliya ee laba jeer isxigta ku soo baxay doorashada maamulkaas.
Dhankooda Taliska Ciidanka Danab ee Puntland ayaa kasoo horjeestay Dib U Doorashada Saciid Deni Iyagoona sheegay in waxa shalay dhacay aysan ahayn Doorasho.