Deni Oo Magacaabay Wakiilka Puntland Ee Dalka Mareykanka

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr 68,  21 September 2019, ku magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Mareykanka.

Madaxweynaha Puntland.

Markuu Arkay : Dastuurka dowlad Goboleedka Puntland.

Markuu Arkay: Baahida loo qabo in la xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Puntland iyo Qurba joogta Puntland ee ku nool dalka Maraykanka.

Markuu Tixgeliyey: Aqoonteeda iyo Khibradeeda Shaqo.

Wuxuu Xeeriyey:

  1. Waxaa Mulki Abdisamad Hussein loo magacaabay Wakiilka Puntland ee Dalka Maraykanka.
  2. Xeerkani wuxuu dhaqangelaya Markuu Madaxweynuhu Saxiixo, Wuuna saxiixay.