Deni oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 26 April 4, 2020, ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Madaxweynaha maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga Gobolka Karkaar.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidanimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/sare Cabdi Casayr Yusuf loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.