Madaxweynaha Dowlad Hoboleedka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo Xubno la socda ayaa goordhow waxaa ay u ambabaxeen Magaalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar.
Khardho ayaa waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay roob saacadihii la soo dhaafay halkaasi ka da’ayay kaas oo sababay dhimashada Saddex Ruux iyo burburka Guryo farabadan.
Madaxweyne Deni ayaa kormeer ku sameyn doona Goobaha uu daadka saameeyey,isaga oo sidoo kale la kulmi doona Maamulka degmada kalana hadli doona saameynta ka dhalatay daadadka.
Magaalada Khardho ayaa waxaa weli ka socda Gurmad kala duwan oo lagu soo badbaadinayo dad ku go’doonsan Xaafadaha qaar ee Magaalada.