DF oo Beesha Caalamka u soo bandhigtay qorshaha AMISOM lagala wareegayo Amniga

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan Dowladda Soomaaliya ay ugu soo bandhigeysay Beesha Caalamka qorshaha Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM lagala wareegayo ammaanka dalka.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay xubno matalayey Beesha Caalamka iyo madax ka socotay dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, waxaana lagu sharaxay kulanka qorshaha Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay AMISOM ugala wareegayaan ammaanka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahan oo ay soo diyaarisay dowladda Soomaaliya la isla ogolaaday, islamarkaana Beesha Caalamka ay u arkeen qorshahaan mid ku yimid rabitaanka Dowladda Soomaaliyeed oo ay mudantahay in la isla qaato.

“Muddo bil ku dhow waxaa la diyaarinayey qorshaha ama marxaladii ay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed ay xilka amniga kula wareegi lahaayeen, waana markii ugu horeysay oo la soo diyaariyo qorshe anaga aan leenahay” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh ayaa intaasi ku daray in qorshahaan loo arkay mid muhiim ah islamarkaana iminka wixii ka dambeeya loo gudbin doono wixii farsamo ah.

“Dhamaan dadkii ka soo qeyb galay waxey u arkeen iney tahay muhiim wixii Soomaali ay leedahay in halkaan la keeno oo aan hogaaminno, waana la isla ogolaaday” Ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Maxamed Mursal Sheekh ayaa sheegay in qorshahan oo ay leedahay dowladda Soomaaliya ay ku doonayaan in AMISOM lagala wareego amniga oo si buuxda ciidanka Qalabka sida ay masuuliyadda amni u maamulaan.