DF oo ciidamadii ugu badnaa u dirtay degmo laga bixin waayay Al-Shabaab

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamadii ugu badnaa oo ka baxay magaalada Muqdisho ay gaareen gobolka Shabeelaha Dhexe, gaar ahaan difaaca hore ee loo dhigay Al-Shabaab.

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa gaaray deegaano hoostaga degmada Ruun-nirgood, halkaas oo uu ka socdo dagaal ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Ujeedka ciidamadan oo ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa ah inay xoreeeyaan degmada Ruun-nirgood oo muddo dheer laga saari la’yahay kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Al-Shabaab intooda badan ay ka baxeen gudaha degmada, maadaama ay ka war heleen gulufka kusoo wajahan iyo ciidamada gaaray halkaasi.

Shabeelaha Dhexe ayaa kamid ah meelaha lagu jabiyay Al-Shabaab, wajigii koowaad ee dagaalka, waxaana looga qabsaday dhul ballaaran oo ay kamid tahay degmada qadiimiga ah ee Aadan Yabaal.