DF oo jawaab yaab leh ka bixisay xasuuqa lagu eedeeyay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta jawaab rasmi ah ka bixisay warbixin kasoo baxday ay’adda xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty International, taas oo lagu sheegay in duqeymo is-dabajoog ah oo ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay 23 qof oo rayid ah.

Sida ay sheegtay Amnesty, duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso ayaa lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ku dhintay ku dhawaad 23 qof, ayada oo ku dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo ka hadlay arrinta ayaa sheegay in uusan jirin wax khasaare ah oo dad rayid ah kasoo gaaray duqeymaha ay geysteen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Turkiga.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markasta dowladda Soomaaliyeed ay ka feejigan tahay waxyeelo dadka shacabka kasoo gaarto howlgallada lagu qaado Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in diyaaradaha Drones-ka ee laga leeyahay dalka Turkiga ay u cayiman yihiin halka bartilmaameedyadooda ah, lagana taxadaro waxyeelo gaarta dadka shacabka ah ee ku dhaqan deegaanada la duqeeyo.

Horay warsaxaafadeed ay dowladda uga soo saartay duqeynta waxa ay ku sheegtay in 30 ka mid ahaa al-Shabaab lagu dilay, howlgallo ka dhacay deegaanada Baldooska iyo Baqdaad, taas oo warbixin ka duwan sheegada dowladda ay soo saatay Hay’adda Amnesty.