Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa loogu baaqay inay qaado tallaabo ku aadan diyaaradaha inta badan ku dhaca deegaanada ay joogaan Al-Shabaab oo ay shalay u dambeysay diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay iyo shaqaalihii saarnaa ay gacan u galeen Al-Shabaab, kadib markii ay ku dhacday deegaan ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab oo u dhow deegaanka Xiindheere ee gobolka Galguduud.
Diyaaradda oo si khaldan ugu degtay halkaasi ayaa waxaa hadda la sheegay inay Al-Shabaab gubtay, ayna wadatay dadkii saarna oo iskuugu jira Soomaali iyo Ajaanib.
Mahad Wehliye Raan oo ah aqoonyahan falanqeeya arrimaha amniga oo la hadlay Shabelle TV ayaa ka hadlay dhacdooyinkan soo laa laabtay, kadib markii ay dhowr diyaaradood ay siyaabo kala duwan ugu dhaceen dhulka ay ka taliyaan xoogaga kooxda Al-Shabaab.
“Arrinkan markii ugu horreysay ma’ahan dhowr jeer oo hore ayuu soo noq-noqday, waxaana moodaa inaan weli lagu baraarugin halista ku geedaaman in diyaarado ay ku dhacaan dhulka cadowga, waxaan u arkaa arrin khalad ah, dowladda Soomaaliyana looga baahan yahay inay hoos u eegto” ayuu wareysiga ku yiri falanqeeye Mahad Wehliye Raan.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay suuragal tahay in diyaaradahaasi ay sahay iyo saanad u wadaan kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal kula jirto dowladda Soomaaliya.