Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qabatay shir gaar ah oo looga hadlayo arrimaha sanadkan kasoo kordhay Xajka, kaas oo ay soo qaban-qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta xukuumadda Soomaaliya.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Xafiiska Arrimaha Xajka Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha diinta dowlada federaalka Soomaaliyeed ee Makkah ayaa waxaa intiisa badan diiradda lagu saaray go’aanno cusub oo ay soo saartay wasaaradda Xajka ee Boqortooyada Sacuudiga.
Dowladda ayaa shirkan isugu yeertay mas’uuliyiinta Xamladaha Shirkadaha Xajka ka shaqeynaya iyo masuuliyiinta xafiiska arrimaha Xajka, waxayna ka wada arrinsadeen sidii loo dhaqan gelin lahaa go’aannada kasoo baxay wasaarada Xajka ee dalka Sacuudiga.
Waxaa kale oo laga wada-hadlay sidii loo hagaajin lahaa Hadyiga oo ah neefka Xoolaha uu gowracayo Xaajiga, Xilliga Xajka, iyadoo Wasaarada Xajka Dowlada Sacuudiga ay soo jeedisay in la hagaajiyo Habka loo bixinayo Hadyiga.
Kulankan waxa uu daba joogaa kulamo iyo dadaalo uu wado xafiiska Arrimaha Xajka wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, kuwaasi oo si is daba joog ah u dhaca.