DF oo shaacisay in lasoo qabtay dadkii fududeeyey weerarkii Hotel SYL.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in gacanta lagu soo dhigay shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL ee magalaada Muqdisho ay Jimcihii hore Shabaab ku soo qaadeen.

16 qof oo eedeysanayaal ayaa loo hayaa weerarkaas, kuwaas oo baaritaano ku socdaan, dadkaas waxaa laga magacaabay Cabdinaasir Daahir Nuur oo ahaa ninkii gaadiidka qarxay magaalada soo geliyey, sida lagu sheegay warbixintaan.

Shan askari oo ka shaqeyneysay goobaha la soo marsiiyey gaadiidka qarxay iyo afar qof oo ku qoran milkiyadda gaadiidka Shabaab ay ku qarxiyeen Hotelka ayaa ku jira dadka gacanta lagu dhigay ee baaritaanku ku socdo.

Muqdisho, 23 March, 2024: Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay.

Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Khawaarijtu ay ka soo gudbeen.

Dhammaan Shabakadda Khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda.