DF oo sheegtay in la dilay raggii dilay Maxamed Sh. Cali

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ciidamada amniga ay toogteen rag hubeysan oo baabuurta ka dhex toogta dad aan waxba galabsan.

Toogashada raggan ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii iyaga iyo ciidanka ammaanka ay maanta is rasaaseyn ku dhexmartay agagaarka sarta Seybiyaano ee magaalada Muqdisho, ragga la toogtay ayaa waxa ay ahaayeen laba nin oo ka tirsan Al Shabaab.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in la haayo cadaymo muujinaya in raggan ay ka danbeeyeen dilkii Muqdisho loogu gaystay Khamiistii ina dhaaftay Allaha u naxariistee Maxamed Maxmuud Sheekh Cali oo ka mid ahaa dhalinyarada firfircoon ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya ayaa dhanka kale tilmaamay in ciidanka ammaanka haatan gacanta ay ku haayaan Gaari ay wateen ragga la dilay iyo Hubkii ay dadka ku dilayeen.

Dhanka kale Wasiirka Warfaafinta ayaa wuxuu ka hadlay dilkii xalay koox hubeysan ay ugu geysteen askari ka tirsanaa ciidanka dowladda Masaajid ku yaala degmada Xamar Jajab, wuxuuna ku tilmaamay in falkaasi uu muujininayo mid aan ku wanaagsaneyn dhaqanka suuban ee Diinta Islaamka, islamarkaana uu yahay mid dadka looga cabsi galinayo inay Masjidka tagaan.