DF Somalia oo maanta AFAR diyaarad u dirtay Baydhabo – Maxay sidaan?

Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA ayaa kaalmo bani aadamnimo u dirtay Magaalada Baydhabo Xarunta Kumeel-gaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed si loo gaarsiiyo Qoysaska u baahan.

Deeqdaan waxaa lagu daabulay afar Diyaarad waxaana loo qorsheeyay in loo qaybiyo qoysaska dantayar ee ku dhibaateysan deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed gaar ahaan Magaalada Baydhabo iyo duleedkeeda.

Agaasimaha waaxda Gargaarka bani aadamnimada ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA Sahra Cali Yuusuf oo Warbaahinta kula hadashay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Magaalada Muqdisho ayaa faah-faahin ka bixisay kaalmadaas.

Sahra ayaa sheegtay in Hay’adda SODMA ay kordhisay dirista gargaarka loo qorsheeyay Dowlad-Goboleedyada si looga hortago xaaladaha laga digayo ee salkeedu yahay Abaaraha kusoo wajahan Dalka.

Deeqdaan loo diray Deegaannada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed ayaa ka timid Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, waxaa gacanta Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ku jira kaalmo bani aadamnimo oo ay ku wareejiyeen Dowlado kala duwan.