DFS oo baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ee dirirtu ku dhex martay..

Dowladda Soomaaliya ayaa baaq nabadeed u dirtay qaar ka mid ah beelaha walaalaha ee ku dirirtu ku dhex martay qaybo ka mid ah gobollada dalka, kuwaas oo qasaare kala duwan ka dhashay dagaalka ka dhex dhacay.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wasaaradda ay baaq nabadeed u diraysaa beelaha walaalaha ah oo ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka mid ah dalka.

Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu yiri, “Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS, waxay si dhow ula socotaa colaadaha gaystay khasaaraha aan loo baahneyn ee beelaha walaalaha ah ku dhexmaraya qeybo ka mid ah dalka.”

Wasaaradda Arrimaha gudaha ayaa ku baaqday in la joojiyo colaadaha iyo daadinta dhiigga sokeeye, “Wasaaradda oo ka duuleysa doorkeeda ahmiyadsiinta nabadda iyo bedqabka ummadda waxay ugu baaqeysaa qeybaha dirirtu ka dhaxeyso in la joojiyo colaadaha iyo daadinta dhiigga sokeeye, lagana shaqeeyo Nabadda, Xasiloonnida, Wada Noolaashiyaha iyo Wadajirka Bulshada,” sida lagu yiri warka ka soo baxay dowladda.

Sidoo kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu xusay in Wasaaraddu ay mar walba diyaar u tahay hormuudnimada dadaallada nabadeynta, iyada oo ku adkeyneysa Dowlad Goboleedyada, Odayaasha Dhaqanka, Culimada iyo dhammaan qeybaha bulshada in ay kaalin ka qaataan daminta colaadaha socda.

Baaqa ka soo baxay Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya xilli qaar ka mid ah gobollada dalka ay ka socdaan dagaal beeleedyo oo dhiig badan ku daatay, kuwaas oo qaar ka mid ah lagu guuleystay in la baajiyo dagaalka.