Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Diyaarisay Ciidamo kamid ah kuwa Badda kuwaas oo la howlgallaya Askarta Turkiga ee la qorsheynayo in ay qaataan kaalintooda ku aaddan adkeynta Xeebaha Dalka kaddib markii uu dhaqangal noqday heshiiska labada Dal.
Ilo kala duwan ayaa Mustaqbal u sheegay in ciidamadaan la diyaarinayay Maalmihii lasoo dhaafay waxaana laga soo dhex xulay ciidamada Badda ee haatan u diiwaangashan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee muddooyinkii dambe tababarka qaadanayay.
Ciidamada Badda Soomaaliya oo sanadihii lasoo dhaafay ka howlgalayay Xeebaha dhow ee Dalka sida Dekedda, Agagaarka Garoonka Diyaaradaha iyo meelaha kale uu dhow Caasimadda ayaa haatan helaya fursado kala duwan oo ay ku dhaqaaqi karaan.
Sidoo kale, Turkiga ayaa qorsheynaya in uu ugu horreyn tababar siiyo Ciidamo katirsan kuwa Badda kuwaas oo isugu jira Askar cusub oo Dowladdu qaadan rabto iyo kuwii horay u howlgallayay iyada oo la xoojinayo dhismaha Taliskooda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis difaaca badda ah la gashay Turkiga si loo ilaaliyo faragelinta loogana hortago damaca Gurracan ee Itoobiya waxaana heshiiskaas ansixiyay Baarlamaanka labada Jamhuuriyad.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa sheegay in Ciidanka Turkigu keliya aanay ilaalin doonin Badda Soomaaliya balse ay tababar iyo qalabayn isugu darayaan Ciidamada Soomaalida muddada heshiiskaas uu socdo sida ay hadalka u dhigeen.