DFS oo gacanta ku dhigtay shidaal loo waday Al-Shabaab

Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay gelinkii dambe Jimcihii ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ka sameeyeen duleedka degmada Xarardheere, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab.

Howlgalkan oo ka dhacay deegaanka Howdley ayaa waxaa si gaar ah u qaaday ciidamada Danab iyo kuwa Gorgor oo kaashanaya ciidamada deegaanka oo iyana ka soo baxay dhanka degmada Ceel-dheer, kuwaas oo waddada u galay agab loo waday Al-Shabaab.

Ciidamada huwanta ayaa waxaa u suuragashay inay gacanta ku dhigaan shidaal ay halkaas kala soo dageen Al-Shabaab, isla markaana lagu jeenay doon, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidooo kale waxaa lasoo raaciyay “Waxaa ay ciidamadu ay gacanta ku dhigeen laba ruux oo ku luglahaa soo dejinta shidalka kuwaasi oo baaritano ay ku socdaan”.

Gobollada dhexe ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo deegaanada badan ka xoreeyay kooxda.