DFS oo Heshiis Lagu Xoojinayo Adkeysiga Bulshooyinka Soomaaliyeed ee La Qabsiga Isbeddelka Cimilada Saxiixday

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, Amb. Khadija Al-Makhzoumi, ayaa heshiis la saxiixatay hay’adda Global Center for Climate Mobility. Heshiiskan wuxuu ka mid yahay tallaabooyinka muhiimka ah ee lagu horumarinayo dadaallada waara ee Soomaaliya, iyadoo la diiradda saarayo adkeysiga iyo la qabsiga isbeddelka cimilada ee dalka.

Iskaashigan cusub ayaa si gaar ah u xoojinaya awood siinta bulshooyinka u nugul deegaanka, si loo hubiyo badbaadadooda iyo waxtarka istaraatiijiyadaha la qabsiga isbeddelka cimilada.

Ujeedada heshiiska waa in la maalgeliyo mashaariic gaar ah oo ka tarjumaya baahiyaha bulshada, iyadoo sidoo kale la xoojinayo maamulka maxalliga ah si loo abuuro kalsooni iyo iskaashi adag oo bulsho.