DFS oo Jaamacadda Carabta ka dalbatay in deeqo waxbarasho la siiyo dhakhaatiirta.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa ka qeyb galay kulanka 60aad ee Golaha Wasiiradda Carabta kas oo ay ka qeyb galeen Wasiiradda Wasaaradaha Caafimaadka ee Jaamacadda Carabta

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaraa iska waraysiga waxyaabaha kusoo kordhay hannaanada caafimaadka ee dalalka Jaamacadda Carabta. Sida lagu yiri warsaxaafadeed ka soo baxay shirka.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya oo hoggaaminaya wafdiga Soomaaliya uga qayb galaya kulan weynaha caafimaadka adduunka oo shir-doceedkan ka qayb galay ayaa khudbad uu jeediyay kaga warbixiyay dadaalka ay Wasaaraddu ugu jirto xoojinta nidaamka caafimaadka dalka.

Dhanka kale wuxuu Wasiirku ku adkeeyay wadamada ku midoobay ururkani in ay iska kaashadaan kordhinta dhakhaatiirta takhasusiga ah ee wadamadaan, si gaar ahna loo garab istaago wadamada ay Soomaaliya ka mid tahay sidii ay u heli lahaayeen deeqo waxbarasho oo la siiyo dhakhaatiirta takhasusiga ah.