DFS oo ka qeyb gashay fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay fadhiga 33-aad ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Jaamacadda Carabta oo sanadkaan lagu qabanayo magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Bahrain.

Shirkaan oo ah kii sanadlaha ahaa ee Madaxda Carabta ayaa qeybtiisa heerka Wasiir-Maaliyadeed oo hal maalin ahaa waxaa looga dooday qodobbo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka iskaashi dhaqaalaha Dalalka Carabta.

Sidoo kale kulanka inta uu socday Wasiirrada Maaliyadda ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa kawada hadlay sidii wadajir looga shaqeyn lahaa horumarinta xasiloon ee dhaqaalaha iyo sidii loo abuuri lahaa fursadaha sare loogu qaadayo maalaglinta.

Magaalada Manama ee xarunta boqortooyada Bahrain ayaa lagu wadaa in 16-ka May ee sanadkaan uu ka dhaco shirka Jaamacadda Carabta, iyada oo uu Soomaaliya ku matali doona Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.