DFS oo ku baaqday in laga fogaado hareeraha Wabiga Shabeelle

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay warbixin ay soo saartay in Wabiga Shabeelle, dhanka Beledweyne uu cabirkiisa kor u kacay.

Warka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu wabiga ku dhowaaday heerka qatarta ah ee uu ku fataho, iyadoo ugu baaqday shacabka halkaas ku dhaqan inay ka fogaadaan goobaha biyo mareenada sida wabiyada iyo dooxyada.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku sheegtay qaar ka mid ah maagoolinka dalka ay heleen roobkii ugu badnaa, iyada oo ku sheegtay in maamulka Hirshabeelle uu ka da’ay roob cabirkiis gaaraya 144mm, maagoolinka uu ka da’ay Roobka ee dhaca maamulkaan ayaa kala ah; Beledweyne, Jalalaqsi iyo Jowhar.

Roobka ugu badan ayaa sidoo kale waxa uu ka da’ay maamul gobaleedka Gamudug, saddex magaalo oo kala ah; Gaalkacyo, Dhuusamareeb iyo Hobyo ayaa Wasaaraddu sheegtay in ay ka da’een Roob cabirkiisa gaaraya 128.7mm.

Saddex magaalo oo ka tirsan maamulka Puntland kuwaas oo kala ah Goldogob, Garoowe iyo Boosaaso ayaa cabirka Roobka ka’day lagu qiyaasay in ay isku mid yihiin Roobkii ka da’ay maamulka Galmudug kaas oo cabirkiisa gaaraya 128.7mm.

Ugu dambeyn Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadalka Cimillada ayaa Roobkii ka da’ay maamulk Jubbaland, gaar ahaan magaalooyinka; Baardheere, Doolow iyo Garbahaarey, ku sheegtay in uu gaarayo 110mm.