DFS Oo Muujisay Mowqifkeeda Dacwada Muranka Badda

Xili Maanta la hexdhexaadinayo Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa dowlada Federaalka waxa ay shaaciyay Mowqifkeeda Dacwada Muranka Badda ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee fadhigeedu yahay Magaalada Hague ee Dalka Holland.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in laga wadahadli doono sidii dib loogu soo celin lahaa, loona xoojin lahaa xiriirkii diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dal.

  • Waxa uu intaa ku daran in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa meel xun gaartay, kadib markii dowladda Kenya ay Soomaaliya ku eedeesay in London ay ku “xaraashtay” ceelal shidaal oo ku yaal xuduud badeedka lagu mursan yahay.