DFS oo shaacisay in deegaanada Puntland ay ku dishay xubno A,S Ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay howlgal ka dhacay buuraha Calmadow ee deegaannada maamul gobaleedka Puntland lagu dilay 20 ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saddex horjeego.

Hawlgalkaan ayaa dowladda Soomaaliya ku sheegtay in lagu bar-tilmaameedsaday xero ay Al-Shabaab ku sugnaayeen taas oo ku taalla buuraha Calmadow, iyada oo dowladdu sheegtay in ay ka hortagtay abaabul ay wadeen.

Warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlkaan ay Ciidanka dowladda iyo saaxiibada caalamka ay muddooyinkaan si weyn ula socday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadeen deegaannada buuralayda ah ee Puntland.

Ugu danbeyn warsaxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iskaashi dhex maray dowladda Soomaaliya, Shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka ay ku guulaysteen inay ka hortagaan howlgallada ay soo abaabulaan Al-Shabaab.

May be an image of text