War kooban oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerar loo adeegsaday duqayn diyaaradaha nooca aan duuliyaha wadin (Drones) kana dhacday Gobolka Bari Dowlad-Goboleedka Puntland lagu beegsaday xubno katirsan Daacish.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa intaas ku dartay in weerarkaan ay ka garabsiiyeen saaxiibadeed caalamiga ah isla markaana laga fuliyay goob ay isku uruursanayeen dagaalamayaal katirsan Daacish sida hadalka loo dhigay.
Waa weerarkii labaad oo muddo todobaad ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay ka fulisay deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedka Puntland kuna beegsatay xubno ka kala tirsan ‘AS’ iyo Daacish.
Weerarkii kan ka horreeyay ayay Dowlad-Goboleedka Puntland beenisay in uu ka dhacay Gobolka Sanaag balse Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isla weerarkaas ku sheegtay in ay ku dishay ugu yaraan 20 xubnood oo katirsan ‘AS’.