DFS oo soo dhaweysay heshiiska nabadeed ee ay kala saxiixdeen Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC)iyo kooxda M23.

Soomaaliya ayaa ku dhiirrigelisay in si buuxda loo ilaaliyo lana hirgeliyo heshiiskii nabadeed ee dhawaan ay gaareen Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) iyo kooxda M23, iyadoo heshiiskaas ku sheegtay mid muhiim u ah nabad waarta oo laga hirgeliyo bariga Congo.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in heshiiska uu fure u yahay dhisidda kalsooni, joojinta colaadaha muddada dheer ka taagnaa gobolka, iyo abuurista fursado lagu celin karo barakacayaasha guryahooda.

Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale u mahadcelisay Qatar iyo Mareykanka doorkooda dhexdhexaadinta, kuwaas oo fududeeyay wada-xaajoodyada horseeday heshiiskan.

Ugu dambayn, Soomaaliya ayaa markale muujisay taageeradeeda ku aaddan dadaallada nabadda ee ka socda gobolka, waxayna sheegtay in ay ka go’an tahay taageeridda xal waara oo lagu soo afjaro colaadda DRC.