DFS Oo Xabsi Ku Yaalla Uganda Ka Soo Deysay Muwaadiniin Soomaaliyeed

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in Xabsi ku yaalla Dalka Uganda ay ka soo deyso  6 Muwaadin oo Mudo 4 sano ku xirnaa Xabsi ku yaalla dalkaas.

Muwaadiniintaan Soomaaliyeed ayaa ku eedeysanaa dambiyo kala duwan,waxana ugu dambeyn lagu guuleystay in Xabsiga laga soo daayo.

Lixdaan Muwaadininta Soomaaliyeed ah ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa

1-Mohamed ahmed gele

2-Abdi abdulahi bootan

3-Mohamed abdulqaadir xirsi

4-Mohamed yuusuf faarah

5- Yuusuf osman hussen

6-Xasan abdiwali mohamuud calanwade.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay wadamo ay ka mid yihiin,Itoobiya,Libya,Kenya iyo kuwo kale waxa ay ka soo deysay muwaadiniin mudo dhowr Sano ah ku xirneyd halka kuwo kale la qorsheynayo in la soo daayo.